Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa kula dardaarmay ciidamada Koofur Galbeed iney gaaraan deegaanada ay ku sugan yihiin Alshabaab.
Madaxweyne Shariif Xasan wuxuu sheegay ind dowladiisu ay muhiim u tahay in gargaar la gaarsiiyo dadka ku dhaqan deegaanada Koofur Galbeed oo Alshabaab ay ku sugan yihiin.
Ciidamada AMISOM ee kusugan deegaanada maamulkiisa ayuu sheegay iney gacan weyn ka geysan doonaan sidii Alshabaab looga saari lahaa deegaano badan oo hadda ay ku sugan yihiin.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Alshabaab go’doomiyeen deegaano ciidamada dowlada ku sugan yihiin, iyadoo ay saameysay arintaasi dadka shacabka ah.