Dhageyso: Madaxweyne Geelle oo ka Hadlay Hanjabaadda Al-shabaab& Digniinada

0
260

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti ayaa ka Hadlay Hanjabaad ay Kooxda Al-shabaab u dirtay Dalalka reer Galbeedka, wuxuuna Digniin siiyay Ciidamada Dalkiisa.

Teaser Image Madaxweyne Geelle oo ka Hadlay Hanjabaadda Al-shabaab / Digniin “Wareysi”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dowladdiisu ay kor u Qaaday Amniga Soohdinta dalkiisu la Wadaago Somaliland, kadib markii ay soo baxday Hanjabaad Al-Shabaab ee ku baaqaysa in la Weeraro Suuqyada Ganacsiga ee Waddamada Galbeedka.

Hanjabaadda Kooxda Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Muslimiinta Dalalka Galbeedka Jooga ay Weerar ku qaadaan Xarumaha Ganacsiga ee ugu Waaweyn Waddamo uu ka mid yahay Mareykanku.

Ismaaciil waxaa uu ku Tilmaamay Hanjabaadda Al-shabaab mid aan sida ay u yiraahdeen u dhici Karin, Balse ay suuragal tahay in ay wax ka mid ah Fuliyaan.

Dhegeyso Wareysiga VOA Somali uu siiyay Madaxweynaha Jabuuti.

Idale News  Online – DJabouti,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here