Garowe(INO)_Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay doorashooyinka la filayo in sanadkaan ay ka dhacaan Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay waqtiga u haray Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo shirarka gaar gaarka ah ee ka soconayo Magaalada Muqdisho ee loogu hadlayo doorashooyinka.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ku baaqay in la dardar geliyo shirarka loogu hadlayo doorashooyinka si waqtiga u haray Dowlada loogu faa’iideysto.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka loogu baahan yahay in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan dardar gelinta dooraashooyinka Dalka ka dhacaya sanadkaan.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Garowe