Cadaado(INO)- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed (Farmaajo) in uu ka fiirsado shaqsiga uu u magacaabayo R/wasaaraha dalka.
Waxa uu sheegay Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Madaxweyne Farmaajo in looga baahan yahay in uu soo magacaabo R/wasaare fiican oo umada anfaca.
Waxa uu sheegay hadii dalka loo magacaabo Ra’iisul Wasaare fiican in la helaayo xukuumad tayo leh oo isku dheeli tiran.