Muqdisho (INO) Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalada ka soconaya magaalladda Gaalkacyo.
Xassan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya aysan door ku lahayn dagaalada magaalladda Gaalkacyo.
”Dagaalka Gaalkacyo shalay iyo bishaan ma bilaaban, lixdankii dadka ku wada nool way is dagaali jireen” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud.
Puntland ayaa dhowr jeer oo hore Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iney qayb ka tahay oo ay hurinayso dagaalada magaalladda Gaalkacyo.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud ayaa hadalkaan yiri xilli uu wareysi gaar ah siinayay Taleefishinka xaruntiisu tahay London ee Universal.
Halkaan ka Dhageys.