Dhageyso: Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaaray Magaalada Beledweyne

0
360

Baledweyne(INO)- Madaxaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha oo ay la socdaan mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi ku sugnaa mudooyinka u dambeeyay.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in halkaasi kulamo uu kula qaato odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale duwana ee bulshada reer Hiiraan islamarkaana uu kala hadlayo arrimo kale duwan la xiriira xoojinta dowladnimada.

Idale News Online, Baledweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here