Dhageyso: Madaxweynaha Somalia “Dagaalka Shabaab waa mid Qaran”

0
186

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrimaha Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay Shabaab in laga sari doono Deegaanada ay ka joogaan Hirshabeelle.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Dowladda Federaalka in ay ku dadaaleyso sidii Maamulka Hirshabeelle looga caawin lahaa ka saarida Shabaab Deegaanada Hirshabeelle.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay Dagaalka Shabaab lagula jiro in uu yahay mid Qaran oo uusan aheyn mid Maamul Goboleed.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble lagu caleemo saaray Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Halkan Ka Dhageyo