Dhageyso: Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaliya Oo Haweenka KGS Ku Booriyey Midnimo

0
253

Bayadhabo(INO)- Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aden  ayaa maanta March 8, 2016 magaalada Baydhabo  kaga qayb galay Munaasibad lagu xusayey maalinta Haweenka Adduunka oo sannadkiiba  la xuso maanta oo kale 8-da maarso.

Halkan Ka Dhageyso Khudbadda Madaxweynaha

Munaasibadda ayaa waxaa kasoo qayb galay guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda KGS Shariif Sheekhuna Maye, Wasiirro, Xildhibaano, odayaal dhaqameed, xubno meteleyey beesha Caalamka,  AMISOM, boqollaal Haween ah iyo Wasaaradda Haweenka Dawladda KGS  oo iyadu soo qaban-qaabisay Munaasabadda.

Halkan Ka Dhageyso Wasiirka Wasiirka Haweenka

Madaxweynaha ayaa sheegay in haweenku  ay yihiin laf-dhabarta ummad walba, isla markaasna sheegay in maalintani ay  muhim u tahay  haweenka Adduunka, sidoo kalena  uu aad ugu faraxsan yahay in uu kala soo qayb galo xuska maalintan  haweenka  Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aden ayaa xusay qiimaha ay  leedahay in la’ ilaaliyo xuquuqda haweenka isagoona sheegay in haweenka ay Diinta Islaamku siisay xuquuq dhammaystiran  taas oo aan cidkale siin karin.

Ugu  dambayntii kula dar-daarmay haweenka Koonfur Galbeed Soomaaliya  in ay sii wadaan ka-qayb qaadashada horumarka iyo nabadda KGS maadaama ay horeba uga shaqayn jireen.

Halkan Ka Daawo Sawiradda.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here