Baydhabo(INO)Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in si cadaalad ah loo soo xuli doono xubnaha aqalka sare u matalaya Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa tilmaamay iney cadaalada waafajin doonaan soo xulida xildhibaanada aqalka sare u matalaya Koonfur Galbeed,Xildhibaanada xil doonka ah ayuu ugu baaqay iney yimaadaan magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hoosta ka xariiqay in Siyaasiyiinta looga baahan yahay iney yimaadaan Baydhabo si ay codka u weydiistaan shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya.