Dhageyso: Madaxweynaha KGS Oo Hambalyeeyey Gudoonka Cusub Ee Baarlamanka KGS

0
257

Baydhabo(INO) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u hambalyey Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku guuleystey C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Labadiisa ku Xigeen oo kala ah, Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Aweys Xuseen Macalin.

shariifka iyo Sheekhuna

Madaxweynaha Koonfur Galbeed  Soomaaliya ayaa sheegey inuu soo dhameystirmey Dhismaha Dowladiisa isla markaana waxa u mahadceliyey Urur Goboleedka IGAD, Xafiiska Siyaasadda QM Ee Soomaaliya UNSOM, Ururka Midowga Afrika iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha DFS oo dhamaantooda Kaalin Lixaad leh ka qaata Dhismaha iyo Taagyeerada Dowlada KGS.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kula dardaarmey Gudoonka Cusub Ee Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo labadiisa Ku Xigeena Dardar galinta Howlaha Baarlamanka iyo dajinta Shuruucda.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here