Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan Ayaa ku Eedeyey Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe Heshiis Ka bax, isla markaana, ay wada Gaareen Sanadkii la soo dhaafeey.
Heeshiiskaasi, ayaa dhigeyey in beelaha labada maamul ee ku filiqsan degaaadda Jubooyinka Iyo KGS in si siman looga wada qiib galiyo siyaasada isla markaana la sameeyo Cadaalad U Dhexeysa Beelaha Wada Dega Goboladaasi.
Madaxweyne Shariif Xasan Ayaa sheegey in Axmed Madoobe uu arintaasi ka la hadley intii uu joogey Magaalada Garowe, isla markaana Axmed Madoobe iska dhagadhaagey.
Sidoo kale madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegey in beel aan dadka gobolada Jubooyinka aan kaga tiro badneyn ay maroorsatey ama badsatey Tiradda Xildhibaanada Baarlamanka Jubba, waxaana uu ku tilmaamey in yahay baarlamankaasi mid Xaaraan ah oo aan loo dhameyn.
Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha KGS Ayaa ugu baaqey Maamulka Jubba inuu saxo khaladaadka jira, isla markaana ay ka fogaadaan Xumaaanta ay ku sameeynayaan Beelaha Ugu tiradda Badan ee degan Gobolada Jubooyinka.
“Dad baa maroorsadey, aboodii Jubba,beelo aan dadka kaga badaneyn degaankaasi ayaa badsadey abooda, anagu waxaan leenahay maamulkaasi in la saxo, waxaan heshiis ku soo wada gaarney Axmed Madoobe in si siman loo wada qiibsado Jagooyinka Maamulkaasi” ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan.
Axmed Madoobe oo horey u soo Noqodey Ku Xigeenkii Amiirka Al-shabaab ayaa hadda taagyeero ka Helaya Urur Goboleedka IGAD iyo Ciidamada Kenya isla markaana wakiil ugu yahay dalka soomaaliya Danjire Affey oo marar badan Lagu eedayey inuu sameeyey eexo iyo Colaad Sokeeye oo uu ka dhex wada Beelaha Soomaaliyeed isla markaana ugu hanjaba war weliba cidii dhaliisho maamulka Jubba Al-shabaab taasoo dadka Soomaalidu ay la fajacsan yihiin.
Ugu dambeyntii Dhawaan ayey ahayd, ka dib markii Dowladda KG Soomaaliya ka soo horjeestey Dhismaha Baarlamanka Jubba isla markaana qaarka ka Mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ay ka keeneen Moohshin ka dhanka ah Baarlamanka Jubba.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online,Baydhabo