Dhageyso: Madaxweynaha Dowladda KGS Oo La Dar-Daaramey Maamulka Cusub Ee Gobolka Bay iyo Kan Degmada Baydhabo

0
249

Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta Khudbad  ka jeediyey, Munaasabad lagu magacaawayey maamulkaCusub Ee Gobolka Bay iyo kan Degmada Baydhabo.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ugu horeyn u mahadceliyey, odayaasha Dhaqanka Ee Gobolka Bay, isla markaana ka soo shaqeeyey Xulista Xubnaha Cusub Ee Maamulka Gobolka Bay iyo Kan Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aada Ayaa rajo wanaagsan ka muujiey Maamulka Cusub inay si hufan u gudan doonaan, Hawsha Adag Ee  loo egmadey.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif Sheekh Aadan  ayaa amaaney, maamulkii hore e Gobolka Bay oo ugu horeeyo  Mudane Dr. Cabdi Aadan Hoosow iyo Gudoomiye Hore ee Degmada Baydhabo  Mudane Xasan Macalin Axmed Biikole dadaalkii iyo Xaaladihii  adkaa  ee ay ku soo dhex shaqeeyeen, isagoona sidoo kale tilmaamey inay wax badan ka bedeleen Xoojinta Maamulka Suuban Ee Gobolka Bay.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqey maamulka Cusub Ee Gobolka Bay inay ka fogaadaan, khilaafyo iyo is qab qabsi Siyaasadeed,  oo  dib u dhac u keeni karo Horumarka ay hiiganayaan Shacabka Gobolka Bay, waxa uuna  kula dar-daaramey  inay ku dadaalaan dar-dar galinta , Wax- ka qabashada Baahiyaha Bulshada iyo  Sidii Xoogaga Al-shabaab Ee Soomaaliya looga Saari Lahaa Guud ahaan Gobolka Bay.

” Hal Cadow  ayaan leenahay kaasina, waa Al-shabaab, kuwaas Walaalo mahan, si kuwaasi la isaga celiyo waxaan u baahan nahay in aan is garabsano , shacabka Gobolka Degana waxaa laga rabaa inay la shaqeeyaan, Maamulka Cusub” Ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa  ka codsadey Masharaxiintii  dooneysey inay qabtaan Xilka  Maamulka Gobolka Bay Iyo Degmada Baydhabo Ee Waayey, inay la shaqeeyaan Maamulka Cusub Ee Gobolka Bay iyo Kan Degmada Baydhabo.

Halkan Ka Dhageyso.

Shariif Hasan Sheekh Aadan

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here