Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ammaanay doorka ay ciidamada Ethiopia ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM ay ka qaateen xaqiijinta nabadgalyada gobolada Baay,Bakool iyo SH/hoose.
Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka Ethiopia ay naftooda u hureen sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Galbeed,Shariif Xasan oo ka hadlayey munaasabad lagu sagootinayey ciidamo Ethiopian ah oo la bedelay ayaa ammaan kala dul dhacay sarkaalkii hogaaminayey ciidamada Ethiopia wuxuuna carrabka ku adkeeyey inaan hadal lagu soo koobi karin waxqabadka ciidanka Ethiopia.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ku ammaanay sarkaalka iyo Ciidanka Ethiopia ee la sagootinayey iney kaalin mug leh ka qaateen dhismaha maamulka uu madaxweynaha ka yahay,wuxuuna sidoo kale xusay iney gacan weyn ka geysteen sidii shacabka looga dulqaadi lahaa dhibaatada Al-shabaab sida uu hadalka u yiri.
Ciidamada Ethiopia ayuu sheegau Madaxweyne Shariif Xasan SH Aadan iney sidoo kale tababareen ciidan deegaanka ah oo hanan kara amniga gobolada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,wuxuuna daboolka ka qaaday inaan ciidan la’aan amni la sugi karin.
Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka dalbaday ciidanka Ethiopia ee ku sugan Baydhabo iney maamulkiisa u tababaraan ciidan kale,isagoona ka dalbaday iney gacan ka geystaan sidii wadooyinka loogu furi lahaa shacabka ku dhaqan gobolka Bakool oo ay go’adoomiyeen Al-shabaab.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo