Dhageyso: Madaxweyen Xasan Sheekh oo Sheegey In Weerarada Kooxda Al-shabab Inay kala Simanyihiin Caalamka Intiisa Kale.

0
197

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu ku tilmaamay weerarada Al-Shabaab ay ka geysteen xarumaha Dowladda Soomaaliya kuwa fashilmay, marka loo eego weerarada caalamka laga geysto. 
Madaxweynaha oo Xubnaha Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ku qancinaya in Al-Shabaab weeraradooda ay noqdeen kuwa fashilmay ayaa tusaale usoo qaatay weeraro caalamka la geystay oo uu sheegay inay ufuleen sidii loogu talo galay.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in Hay’adaha amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ay udiyaarsan yihiin la dagaalanka Al-Shabaab iyo kahortaga weerarada ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho iyo xarumaha Dowladda.

24-kii Bishii aan soo dhaafnay ayeey aheyd markii weerar culus oo abaabulnaa Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta Baarlamaanka Soomaaliya oo ah Hay’adda sharci dejinta dalka, horayna Shabaab waxa ay uweerareen Madaxtooyada Soomaaliya Xarumaha Garsoorka dalka, Hay’adda UNDP xarunteeda iyo goobo kale.

Halkan Ka Dhageyso.

[audio:My Documents\Downloads\Music\20646.xeeb 1.mp3|autostart=yes]



Dadka arimaha ammaanka falanqeeyay ayaa Dowladda ku dhaliilaya hanaanka ay uwajaheyso amniga guud ee dalka, maadaama ciidamo badan oo Dowladda ka tirsan ay Magaalada joogaan, qaarkoodna ay wataan dharka shacabka iyaga oo hubka wata kuwana ay xidhan yihiin tuutaha Dowladda, taasi oo lakala garan karin qofka askariga Dowladda ah iyo midka aan aheyn.

Xasan Sheekh Maxamuud
Idale News Online, Muqdsho.