Dhageyso: Madaxda KGS Oo Baydhabo Kula Kulmeen Wefdi Ka Socda Hay’adaha Gargaarka

0
176

Baydhabo(INO)- Maanta oo Khamiis ah waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay gaaray wafdi ballaaran oo ka socay dowladda Canada, kuwaasi oo la kulmay madaxda maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Wafdigan ayaa ayaa u tagay magaalada Baydhabo, sidii ay madaxda Koonfur Galbeed uga xog wareysan lahaayeen abaarta ka jirta dalka, gaar ahaan kuwa deegaannada Koonfur Galbeed Somalia.

Ku simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Maxamed Xasan Fiqi ayaa saxaafadda la hadlay kadib markii kulankaan uu soo dhammaaday waxa uu sheegay in diiradda la saaray abaaraha baahsan.

Waxa uu sheegay wafdigan uu hoggaaminayey ku xigeenka World Vision, ayna kala shireen hay’addaasi sidii ay wax uga qaban lahayd abaarta Koonfur Galbeed Somalia.

“Waxaan ka wada hadalnay wafdigan gaar ahaan World Vision sidii ay wax uga qaban lahayd arrimaha abaaraha, caafimaadka iyo arrimaha Gender-ka, waxay inoo balanqaadeen iney caawin doonaan dadka abaarta la il daran” ayuu yiri Mr. Fiqi.

Deegaannada Koonfur Galbeed Somalia ayaa ka mid ah deegaannada ay ka jirto abaarta baahsan, waxaana deegaanadaan qaarkood aysan dadka ku haysan Biyo iyo raashiin intaba.

Halkan Ka Dhageyso

Siraaji Sheekh Isaaq

Idale News Online, Baydhabo