Dhageyso: Machale Keating “Annaga go’aanka Dowladda Soomaaliya kaliya ayaan taageereynaa”

0
235

Baydhabo(INO)- Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo saxaafada kula hadlayay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa  ka hadlay kala duwanaanshaha nidaamka doorashada ee dhamaadka sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya, oo ay qabaan madaxda Soomaaliyeed.

Halkan Ka Dhageyso

Wuxuu sheegay inuu ka warhayo in madaxda Soomaalida ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka loo soo xulayo baarlamaanka imaanaya dhamaadka sanadkaan, waxaana arinta la isku hayo ay tahay qaabka lagu xulayo aqalka hoose iyo aqalka sare ee baarlamaanka.

Wakiilka QM ee Soomaaliya wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku  taageerayaan go’aankii ay gaartay ee ahaa nidaamka soo xulista baarlamaanka u dhaceyso, balse iyaga aysan dooneyn in Soomaalida ka dhaadhicyaan qaabka doorashada u dhaceyso.

“Dabcan waxaa jiro kala duwanaansho ku aadan  qaabka doorashada ee sanadkaan, waxaana jira aragtiyo kala duwan oo ku saleysan haddii ay ahaan laheyd aqalka sare ama aqalka hoose, laakiin waxaan cadeynayaa nidaamka doorashada ma ahan mid caalamka uu wato ee Soomaalida ayaa iska leh, kaliya waxaan nahay dad taageeraya go’aanka dowladda Soomaaliya, kaasi oo aan aamisanahay inuu muhiim u yahay dhinaca amaanka iyo waajibka dowlada Soomaalida oo ah iney horey usii waddo horumarka dhinaca amaanka”ayuu yiri mr Keating.

Maamulka Puntland ayaa si adag kaga soo horjeeda nidaamka lagu soo xulayo baarlamaanka oo laga dhigay in aqalka hoose lagu soo xulo hab qabiil , aqalka saranna lagu soo xulo hab maamul goboleed.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here