Muqdisho(INO)-Hogaamiyaha Xilkiis Gudan Waayey Ee Dawlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan Ayaa lagu Eedeeyey inuu yahay Shakhsi Keligiis Taliye Ah.
Xildhibaan Macalin Barre oo ka mid ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inuu dhawaan tegayo Baydhabo islamarkaana la guda geli doono Mooshinkii ay saxiixeen.
Waxa uu Wasiirka Diinta Maamulkaasi Macalin Barre sheegayaa in xildhibaano ka badan 80 ay Saxiiixeen Mooshinkaasi xil gudasho Xumana ay ku heystaan Shariif Xasan.
Mooshin Wadayaasha waxay xaqiijiyeen in culeys la saarayo oo kaga imaanayo Shariif Xasan Sheekh Aadan balse ay ku dadaalayaan sidii ay uga sariigan lahaayeen Shaqadoodana ay qabsan lahaayeen.
HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA MACALIN BARRE.