Dhageyso: Maamulka Khaatumo oo ka hadlay dagaal ay la galeen Somaliland

0
253

Muqdisho(INO)-Wasiirka arimaha gudaha maamulka Khaatumo Keyse Cabdi Yuusuf ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal dhexmaray Ciidanka maamulka Somaliland iyo kuwa Khaatumo. 

khaatumo

Wasiirka arimaha gudaha maamulka Khaatuma Mr Keyse Cabdi ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay deegaano u dhaxeeyo maamulada Khaatumo iyo Somaliland,isagoona cadeeyay in dagaalkaasi qasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland.

Wuxuu Wasiirka shaaca ka qaaday in Lix ka mid ah Ciidamada Somaliland dagaalkaasi ay ugu dileen halka dhankooda uu sheegay in qasaaro uu jiro.


Wasiirka arimaha gudaha maamulka Khaatumo oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in dib u riixeen ciidamadii Somaliland ee dagaalka soo qaaday,islamarkaana fadhiyadoodin hore ku celiyeen,sida uu hadallka dhigay.

 Dhanka kale,maamulka Somaliland ayaa ka hadlay dagaalka maamulka Khaatumo ay ku sheegteen in guul ay ka gaareen.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here