Afgooye(INO)- Maamulka gobolka Shabellaha hoose ayaa walaac ka muujinaya weerarada Al-Shabaab ay ka fulinayaan degmooyinka gobolkaasi, xili ay maalmo isu dhow ay weeraro qasaaro geystay ka fuliyeen Magaalada Afgooye.
Gudoomiye Ku-xigeenka dhanka Amaanka ee Maamulka gobolka Shabellaha hoose Cali Nuure Maxamed ayaa sheegay in weerarada ku soo noq-noqonaya ee degmada Afgooye ay sabab u tahay talaabooyin aan laga fakerin oo ay qadeen Ciidamada AMISOM iyo Milateriga Soomaaliya.
Waxa uu shaaciyay in ay Ciidamadaasi ay si kafiirsi la’aan ah uga bexeen fariisimo ay ku lahaayeen Tuulooyinka ku hareereysan degmada Afgooye, kuwaasi oo ay ka mid tahay Tuulada Mareerey oo ay baneeyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada.
Al Shabaab ayaa shalay galinkii danbe weerar ku qaaday degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, waxana la sheegay in ay qabsadeen qeybo kamid ah degmada.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Al Shabaab ay weerar ku qaadaan Afgooye, laakiin hore ayay dhawr jeer u weerareen waxana ay ku qabsadeen magaalada muddo saacado ah.