Baydhabo(INO)- Odayaasha dhaqanka ee magaalada Baydhabo ayaa ka codsaday Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan in uu si deg deg ah usoo dhiso maamulka degmada iyo kan gobalka Bay, markii dhawaan uu kala diray maamulka degmada iyo kan gobalka Bay.
Odayaashan ayaa codsaday in la keeno dad uwax qaban kara bulshada, isla markaasna loo baahan yahay in si cadaalad ah waxloogu qaybiyo bulshada kala duwan ee gobalka ku nool.
Duqowda dhaqanka ayaa sheegay in ay doonayaan maamul ka hufan Cadaalad daro,waxa ayna sheegeen in ay kala hadleen Madaxda KGS sidii loo heli lahaa hanaan maamul oo hufan.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay kala dirida Maamulkii degmada Baydhabo iyo kii gobalka Bay, oo ay horay usoo magacowday dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo sheegay in uu soo magacaabi doono maamul cusub.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo