Baydhaabo(INO)-Guuxa,dadweynaha Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa todobaadkan u badan hadal haynta,isbedel lagu sameeynaayo, maamulka Gobolka Bay iyo degmooyinka.
Maamulka Gobolka Bay Ee Waqtigiisu dhamaadey, ayaa la doonaya in la bedelo dhawaan isla markaana la magacaawo ama la doorto Maamul Cusub oo ka taya roon kan hadda Xilka Sii haaya, isla mrkaana, waxay dadku ay u badinayaan in la soo magacaawi doono Maamul Cusub.
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Arintaasi, wax laga waydiyey ayaa sheegey in Beesha Caalamku ay doonayaan in la doorto maamulka Gobolka Bay, iyo degmoooyinka isla markaana waxa uu carabka ku adkeeyey in hadda ay socodaan abaabulkii ugu dambeeyey oo isbedelo lagu sameeynaayo Maamulka Gobolka Bay, taasoo horey ay u sheegdey wasaaradda Arimaha Gudaha KG Soomaliya in dhawaan Gobolada iyo Degmooyinka Loo Sameeyn Doono Maamulo Cusub.
Sidoo kale Madaxweyne Shariif Xasan ayaa Tilmaamey, hadii ay qabsoomi weyso doorashadda Maamulka Gobolka Bay, la soo dhisi doono maamul Mudo Kooban shaqeyn doono isla markaana waxa uu sheegey in wadatashiyo lala Sameyn doono Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, iyo Culumaa’udiinka Gobolka Bay.
Maamulka Gobolka, Bay ee hadda jira ayaa lagu dhaliiley waxqabad la’aan isla markaana dadka degaanka ayaa Ka Guuxaya xan-Badan, iyagoona marar badan lagu eedayey lunsashada Cunshuuraadka Laga qaado Guud ahaan Gobolka Bay, isla markaana ay cadeyn waayeen Sida la Sheegey halka ay ku dhacdo lacagta canshuuraata ah ee laga qaado, Xaabadleyda, kuwa iibiya Balka, Khudaarta iyo caanoleyda oo aan haysan Xitaa har ay hoos fadhiistaan isla markaana ay fadhiistaan kulka cad-ceeda ee Bartamaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Dowlada Hoose ee Baydhabo ayaa laga rabey inay 60% canshuurta laga qaado Ganacsatada iyo danyarta kale inay ku sameeyso wax dadka canfaco oo la isaga jeediyo sida dayactirka wadooyinka burbursan ee Baydhabo,Caanoleyda oo aysan haysan meel ay fadhiistaan Maalintii, isla markaana, la rabey in loo dhiso Farsho , Caafimaadka iyo Faydhoorka Degaanka, taasoo sida muuqata maamulka Xilkiisu dhamaadey uu ku fashilmey fulinta arintaasi.
Inkastoo uu ku fashilmey Maamulka Gobolka Bay arintaasi Hadana maamulka xilkiisu dhamaadey ee Gobolka Bay, waxa uu ku guuleystay, isla markaana lagu amaaney Xoojinta Maamul wanaaga iyo isku dabaridka Hawlaha shaqo ee Maamulkaasi, taasoo u sabab ah sida la sheegey Gudoomiye Gobolka Bay Dr. Aadan Hoosow oo Aqoon leh arintaasi hergalinteeda.
Si kastaba ha haatee, Beelaha saamiga Ku leh Gobolka Bay ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in Maamulkan Xilkiisa dhameedey la dadajiyo Xilka tuuristiisa.
Ugu dameyntii, Dowladda DFS iyo Beesha Caalamanka ayaa doonaya in La Doorto maamulada Gobolada Dalka iyo Degmooyinka Si loo wada Qanco.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baydhabo