Dhageyso: Xasan Sheekh “Ma Aqbaleyno In La Dhibaateeyo Haweenka”

0
219

Muqdisho(INO)Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay Maalinta Haweenka ayaa ka soconeysa Xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidamada, Ururada Haweenka iyo Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo Haween badan ayaa ka sugan madasha.

Howlka Shirka ayaa lagu arkayaa Haween xiran Astaanka iyo Calanka Qaranka kuwaasi oo muujinaya sida ay ugu faraxsan yihiin Maalintooda.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatada ay gaarto marka loo eego  dhibka ay ka maraan barbaarinta Uabadka iyo sida ay uga qeybqaadanayaan xasilinta Dalka.

Halkan Ka Dhageyso.

“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay naga mudan yihiin Sharaf, dowladeyda waxa ay ku dadaali doontaa sharci xadidaya dhibaateynta Haweenka sida Kufsiga iyo waxii la midka ah” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay qoysaska inay ka wacyigaliyaan Caruurtooda wadooyinka xun sida inay ka mid noqdaan waxa uu ku sheegay Kooxaha fikirka qaldan.

“ma ahan kaliya inaad caloosha u buuxisaan caruurta ee waa inaad ka dhistaan aqoonta, iyo garaadka si uu uga badbaado in lagaa duufsado” ayuu yiri Madxaxweynaha.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Xafladda  Haweenka oo uu ka mid yahay Ururka Haweenka Qaranka iyo Wasiirka Wasaaradda Haweenka Xaawo Xasan Maxamed kuwaasi oo ugu hambalyeeyay Haweenka Maalintaan sidoo kalana codsaday in wax laga qabto tacadiyada Haweenka sida Dilka, Kufsiga, iyo in aan laga qeybgalin Siyaasadda Dalka.

Qaramada Midoobay ayaa 1977 u aqoonsatay Maalinta Haweenka Aduunka, Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa dalalka ugu badan oo ay ka dhacaan tacadiyada xuquuqda aadanaha gaar ahaan Haweenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here