Baydhabo(INO)- Kullan Lagu Taagyeeraayo Malaaq Maxamed Yacquub Deerow oo ah Afhayeenka Gollaha Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Lagu Qabtey Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Kullnaka waxa ka soo qiib Galey, Wasiirka Biyaha iyo Macdanta Koonfur Galbeed Soomaaliya, Aaden Xasan Maxamed(USAMA), Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta Inj. Jibriil, Wasiirka Gaadiidka iyo Garoomada Koonfur Galbeed Soomaaliya C/laahi Aaden Black, Odayaal dhaqmeedyo, Dhalanyaro, Haween Ganacsato iyo Qiibaha kala Duwan Ee Beesha Disow oo ka mid ah Beelaha Degan Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxayna diideen Malaaq Cusub Oo Dhawaan lagu doortey Magaalada Baydhabo,Kaasoo la sheegey in uusan sax ahayn waa sida hadalka ay u dhigeen e.
Waxgaradkii ka hadley Kullanka ayay ku dheeraadeen ka hadalka Midnimada iyo wada jirka Beesha ilsa markaana la joojiyo dib u dhaca iyo wax weliba oo dhib u keeni karo Bulshada Beesha Disow.
Waxayna Si aad ah u taagyeereen Waxqabadka Malaaq Deerow, waxayna xuseen inay garab taagan yihiin Odayga, isla markaana waxay ka digeen Khilaaf iyo Muran laga dhex aruuro Beesha Dhexdeeda.