Dhageyso: Kulan Looga Hadlayay Sugida Ammaanka Doorashooyinka Dalka oo Muqdisho Lagu Soo Gaba Gabeeyay

0
352

Muqdisho ( INO)-Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir looga hadlayay qorshaha Sugida Nabad Gelyada Doorashooyinka ugu soo gaba gabeysay Magaalada Muqdisho Saraakiisha Laama ammaanka ee Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa inta badan waxaa ka qeyb galay hay’adaha Amniga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo loo soo bandhigay Istiraatiijiyada ay ammaanka ku hananayaan waqtiga doorashada ay ka qabsoomeyso dalka gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee  Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Macallin Shukri ayaa qeexay in shirka uu ku soo gaba gaboobay sidii loogu tala galay , islamarkaana Wasaaradda Amniga ay gudatay Waajibkeedii maadaama ay Saraakiisha Amniga fartay sida ugu wanaagsan ee ay ku xaqiijinayaan Nabad Gelyada xilliyada doorashooyinka.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa ku nuux nuuxsaday in ay xisaabta ugu jirto in kooxaha dowladda ka soo horjeedo ay qorsheynayaan in ay carqaladeeyaan Nabad Gelyada Doorashada balse taas ay ka taxadari doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Dalka ayaa maraya marxalad kala guur iyadoona wixii ka dambeeyo 20-ka Bisha August ee sanadkaan 2016 dalka oo dhan la guda gali doono doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda hoggaanka dalka Majaraha u qabanaya 4-ta sano ee soo socota.

Hoos ka dhageyso Wareysiga

Idale News Online, Muqdisho