Muqdisho(INO)- Kulankaan ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Siyaasiyiin, Waxgarad iyo Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu taageeray Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Siyaasiyiinta iyo Waxgaradkii Kulanka ka hadlay ayaa sheegay in horay ay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) uga codsadeen inuu isa soo sharaxo ka dibna uu ka aqbalay kuna guuleystay inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Waxa ay ugu baaqeen Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka inuu wax badan ka qabto dhibaatooyinka heysta shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in ay taageersan yihiin Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).
12-kii Bishan ayaa xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu doortay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo mar labaad noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu ka guuleystay Musharaxiintii uu la tartamayay.