Muqdisho(INO)- Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa manta oo sabti ah yeelan doona fadhi ay uga hadlayaan xaaladaha ku aadan Mooshinkii fashilmay ee laga keenay baarlamaanka Jubaland, waxaana dood xoog leh ay dhinacyadu ka yeelan doonaan arrimahaas.
Lama yaqaano sida uu ku furmi doono fadhigan, laakiin wararka ayaa sheegaya in ay suuragal tahay in ay soo xaadiraan Mudanayaasha baarlamaanka ee jooga magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah howlwadeenka baarlamaanka ayaa sheegay in ay fadhigan ka qeybgali doonaan inta badan xildhibaanada jooga Muqdisho, isagoo sheegay in uusan noqon doonin fadhiyadii hore oo kale.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa umuuqda kuwa leh dano siyaasaded, isla markaasna marar badan waday mooshinkan oo umuuqda mid looga soo horjeedo horumarka wanaagsan ee ay gaartay Jubaland.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho