Dhageyso: Koonfur Galbeed Soomaaliya ” AMISOM la’aan Ayaan La Wareegeynaa Amniga”

0
582

Baydhabo(INO)-  Wasiirka Wasaaradda War faafinta iyo Wacyi-galinta Bulshada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo wareysi siiyay ayaa ka hadlay xaalada amni ee deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay deegaanadii dhowaan ay ka baxeen ciidanka AMISOM, waxaana uu sheegay in Koonfur Galbeed Soomaaliya uu la socday arimahaasi.

Waxa uu sheegay Wasiirka ujeedka AMSIOM ay deegaanadaas uga baxeen in ay tahay sidii ciidanka Koonfur Galbeed ay ula wareegi lahaayeen goobaha hada ay ku sugan yihiin ciidanka AMISOM.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dhowaan ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay bilaabi doonaan howlgallo ku aadan sidii Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.

Halkan Ka Dhageyso.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay