Muqdisho(INO)- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/llaahi Sheekh Xasan ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in isagu uu hortaagan yahay shaqada Garoonka Diyaaradah lambar 50 ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Wasiir C/llaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kaashanaya Ganacsato Soomaaliyeed ay dib u dayactir ku sameeyeen Garoonka isla markaane ay u mareen qaabkii saxda ahaa iyaga oo fasax ka haysta Wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adda Duulista Hawada ee dalka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Ciidan ka tirsan Nabad Sugida Soomaaliya oo laga diray Madaxtooyada kana amar qaata Xasan SH Maxamuud iney qabsadeen Garoonka Lambar-50 isla mar ahaantaane ay diideen Duulimaadka Diyaaradaha Jaadka.
Ugu dambeyntii, Masuulkan ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dagaal toos ah kula jiro Koonfur Galbeed Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.