Afgooye(INO)-Maamulka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa waxa ay ka hadleen weerarada mararka qaar Shabaab ay geystaan Degaanada Gobolkaasi.
Taliyaha Nabad sugidda Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Jacfar oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay dhowaan in ay qorsheynayaan weeraro ay ku qaadaan goobaha Shabaabka ay ka soo abaabulaan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxa uu sheegay in ay talaabo adag ka qaadi doonaan Shabaabka weerarada ka geysta Degaanada koonfur Galbeed gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Hooose.
Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay weeraro ka geysteen fariisimaha Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Degmada Afgooye, waxaana ugu dambeeyay weerarkii 29-kii Bishan ay ku qaadeen fariisin Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Degmada Afgooye, kaas oo geystay khasaare kala duwan.
Halkan Ka Dhageyso