Baydhabo(INO)- Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegday in Dowladda Itoobiya ay kala hadleen Dad dhawaan Ciidanka Itoobiya ay ku laayeen degaanka Wardiinle ee Gobolka Bay.
Ugu yaraan 14 Qof oo Rayid ah ayaa lagu dilay degaankaasi 18kii Bishii julay kadib markii Ciidanka Itoobiya ay weerareen Culimo Qur’aan aqris ku jirin.
Ciidanka Itoobiya ayaa ku dooday in halkaas ay ka soo weerareen Al-shabaab,sidaasna u laayeen dadka ku dhintay shilkaasi.
Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi Max’ed ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta Itoobiya ay kala hadleen dhibka ay ciidan kooda ka geysteen Soomalaiya,waxaana uu sheegay in ay kala hadleen in mar kale aysan soo laaban shilalka noocaas ah.
Halkan Ka Dhageyso