Dhageyso: Koonfur Galbeed Oo Macalin Barre Ugu Digtey Bah-dil Uu Ku Sameeynayo Gudiga Abaarka KGS

0
210

Marko(INO)- Wasiirka Gargaarka iyo Naafadda  Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Muuse ayaa Ex. Wasiir Macalin Barre oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamanka KGS Ugu Digey  Bah-dil Uu Ku Sameeynaayo Gudiga Gurmudka Abaaraha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxa uu sheegey in aysan jirin gargaar la musuq maasuqay isla markaana waxa uu xusey inay ka hortageen rag doonayey inay lunsadaan Gargaarka looga talagaley Bulshada Gobolka Shabelllaha Hoose.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegey in Ciidamada Amaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya kaliye Xabsiga Degmada Marka ay Dhigeen Guddoomiyihii hore ee Magaalada Marka Maxamed Cismaan Yariisow oo la sheegay Inuu isku dayey inuu boobo Gargaar ay wadeen Gudiga Abaaraha KGS Oo Gaaraya $8300.

Halkan Ka Dhageyso