Baydhabo(INO)- Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay Dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab in ay kasoo baxaan oo ay kusoo biiraan Maamulka Koonfur Galbeed.
Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay dhaqan celin u sameyso dhalinyaradaasi.
Wasiirka Hub ka dhigista iyo Maleeshiyaad maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in hadii ay kasoo baxaan Al-Shabaab dhalinyarada ku jirta ay u sameyn doonaan dhaqan celin iyo sidoo kale in ay waxbaraan.
Wasiirka ayaa xusay in Koonfur Galbeed ay Cafis u fidinayso dhalinyarada ka barbar dagaalameysa Al-Shabaab hadii ay iskood isku soo dhibaan.
Shalay ayay aheyd markii labo dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ay kasoo baxeen Al-Shabaab , islamarkaana ay isku soo dhiibeen maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.