Dhageyso: Khudbadii Madaxweynaha KGS Uu Xaley Ka Jeediyey Xuska 1da Luulyo

0
222

Baydhabo(INO)-Xarunta Madaxtooyadda KGS Ee Baydhabo waxaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay munaasabad ballaaran oo loogu dabaal degaayay 55 Sano guuradii kasoo wareegtay markii ay Gumeysiga Talyaaniga ka xuroobeen gobalada Koonfureed ee dalka, islamarkaana ay midoobeen gobalada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya.

shariiif xasan

Madaxweynaha Dowladda KGS Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aada oo halkaasi ka hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed waxa uu ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luuliyo, Gaar ahaan Kuwa KG  Soomaaliya  isaga oo ka hadlay qiimaha maalintaan ay leedahay iyo muhiimadda midowga umadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxaa la taagay Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana madaxweynaha uu salan sharaf ka qaatay cutubyo ka mid ah ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here