Dhageyso: Khudbadii Axmed Madoobe Jeedshay markii ergada shirka Kismaayo u doorteen Madaxweynaha Jubbaland State

0
178

Shir ka dhacey xarunta Jaamcada Kismaayo oo ku taala duleedka  Magaalada Kismaayo waxaa loogu Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland loogu doortey Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) inuu noqdo madaxweynaha Jubooyinka iyo Gedo afarta sano ee soo socota.

Guddoomiyaha guddiga doorashada maamulka Jubbaland, Macalin Maxamed Ibrahim ayaa markii ay soo gaba-gabowday doorashadu waxa uu sheegayin doorashada oo ka dhacday Jaamacadda Kismaayo, ay  billaabatay 11:00 barqannimo ee saaka, ayna soo xaadireen dhammaanba ergadii loo xulay inay doortaan madaxweynaha iyo baarlammaanka uu yeelanayo maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubba-land oo ay ku midaysan yihiin sida uu sheegay gobollada Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo.

Doorashada maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee lugu dooranayey madaxweynaha Jubba-land ayaa waxaa ka maqnaa musharraxiin horay u shaaciyey inay u tar-tamayaan xilka madaxweynaha maamulka Jubbaland, oo ay ka mid yihiin; Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul, Maxamuud Cali Looyaan ( Cali madoobe), C/qani sheikh Cali Diini iyo kuwo kale oo dhammaantood ka maqnaa goobta doorashada maanta ka dhacday Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa khudbad ka jeediyay kadib markii la doortay waxaana uu halkaasi ka jeediyay hadalo ku aadan dadkii doortay.
[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/05/Doorashadii-Axmed-Madoobe.mp3]

Dhageyso  Wareysiga Gaar ah oo BBC la yeelatey Axmed Madoobe [audio:http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2013/05/A.Madoowe.mp3]

Waxaa jira Musharaxiin la filayo inay Maalinta bari ah qabtaan Shir Jaraa’id kuwaasoo ku faah faahin doono sida ay u arkaan Doorashada Axmed Madoobe.

Dhanka kale isla magaalada Kismaayo waxaa Madaxweynaha Jubbaland Sheegtey inuu yahay Col Barre Aadan Shire Hiiraale oo ku sugnaa magaalada, dhowaana dhanka badda ka soo galey magaalada Xeebeedka Kismaayo.

axmead-madowbe

Lama garan karo waxa ay xaalada magaalada Kismaayo ku dambeyn doonto maadaama ay magaalda ku wada sugan yihiin kooxo badan oo iska soo horjeeda isla markaasna wada hubeysan oo qolo kastaana ay sheeganeyso in ay iyagu yiiin madaxda magaalada dirirtu daashatey ee Kismaayo.

Idale News Kismaayo