Buuhoodle(INO)- Maamulka Khaatumo ayaa ka hadlay Doorashada xildhibaanada Sool iyo Sanaag ee la sheegay in dhawaan lagu dooran doono Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Maamulka Khaatumo ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in uu xaqiray shacabka kunool degaanada maamulka Khaatuma ,islamarkaan uu amray xildhibanadii kasoo jeeday Khaatumo in lagu doorto Magaalooyinka Muqdisho iyo sidoo kale Garowe.
Wasiirka ku xigeenka Wasaarada arimaha gudaha maamulka Khaatuma Abshir Cabdicasiis Sheekh oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadka kunool degaanada maamulka Khaatuma ay boobeen madaxda dowladda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Khaatuma aysan aqbali doonin in xildhibaano lagu soo doorto Muqdisho iyo sidoo kale Garowe in ay matalaan shacabka kunool gobolada Sool iyo Sanaag.
Maamulka Khaatuma ayaa kasoo horjeeda maamulada Puntland iyo Somaliland, waxaana uu ka mid yahay maamulada aysan aqoonsan dowladda Soomaaliya.