Addis(INO) – War-murtiyeed lagu soo af meeray kulankii wada xaajoodka ee u dhaxeeyay Khaatumo iyo Somaliland ayaa manta lagu soo kooban 11 qodob oo lagu soo gunaanaday wadahadaldii labada dhinac uga furmay magaalada Adisababa ee Caasimada dalka Itoobiya 17kii bishan oo hordhac u ah wadahadaldan .
Qodobada ayaa u qornaa sidatan.
1.In wadahadal iyo wada xaajood lagu dhameeyo khilaaf kasta oo jira.
2. In wixii fadqalalo ah iyo dacaayad Gudeheena ah in laj oojiyo meelna looga soo wada jeesto.
3. In Meel looga soo wada jeesto wixii gacan sadexaad ah ee farogalin ku samayn kara intay wadahadaladu socdaan.
4. In laga wada xaajoodo wixii ku saabsan dhiig iyo dhaqanba.
5. In lagawada shaqeeyo Xoojinta nabadgalyada,
6. In Ciidamada Soomaaliland ee ku sugan Gobolka Sool iyo Deegaamada Sanaag Bari iyo Buuhoodle dib loo qorsheeyo joogitaan kooda,iyadoo latixgalinayo marwalba baahida iyo xaalada nabadgalyo. siday tahay,
7. In aan la qorin Ciidamo beeleedyo Cusub inta wadahadaladu socdaan.
8. Ina maamul daadajin Buuxda lasameeyo oo taabanaysa dhinacyada Siyaasada dhaqaalaha Maamulka arimaha bulshada iyo nabadgalyada. .
9. In wadajir looga hawlgalo sidii mashaariic waaweyn oo horumarineed looga hirgalinlahaa Goboladaas.
10. In layska kaashado sidii gargaar loogu raadinlahaa loona gaadhsiinlahaa dadka ku tabaaloobay abaaraha.
11. In Haya’daha samafalka ee Caalamiga ah iyo kuwa qaramada midoobey ka hawlgalaan kana qaadaan xayiraada Goboladaas.
Labada dhinac ayaa qodobadan si wada jir ah u wada qaatay waxaana saxiixa ku duugay dhinac maamulka Khaatumo gudoomiyaha waftiga
Mahamud Sh Omar Hasan, halka uu Somaliland gudoomiyaha waftiga Dr Saad Ali Shire.