Dhageyso: KGS Oo soo Dhaweysay Magacaabista RW cusub ee Dowladda Faderaalka

0
192

Baydhabo (INO) Kullan Gollaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay yeesheen waxaa lugu soo dhaweeyay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dowladda faderaalka,Xasan Cali Kheyre.

Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa ay ku sheegtay ra’iisul wasaaraha cusub inuu ka soo bixi karo mas’uuliyadda loo igmaday,sida  uu sheegey Ku simaha Madaxweynaha KGS Ahna Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi.

Wasiirada ayaa sheegeen in Soomaaliya xilligan ka taagan-tahay xaalad bina’aadanimo,ra’iisul wasaaraha la magacaabayna uu horay uga soo shaqeeyay arrimaha. Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay  ay si cad u sheegtay inay la shaqeyn doonto ra’iisul wasaaraha cusub.

Halkan Ka Dhageyso