Dhageyso: KGS Oo Qorsheynaysa Inay Gaarsiso Gurmud Bini’aadanimo Degaanada….

0
213

Xudur(INO)- Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay gurmad deg deg ah gaarsiiyeen dadka ku dhibaateysan degaanada ay Maamulaan Al-Shabaab ee gobolada Bay iyo Bakool.

Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan dadka dhibaateysan ee degaanada ay Maamulaan Al-Shabaab ku sugan iney si siman u gaarsiinayaan gurmadka.

Wasiirka Maaliyada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Sheekh Xasan Ibraahim  ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii gurmad joogta ah loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in gurmadka ay ku wareejiyeen dad ehel la ah kuwa ku sugan degaanada ay Al-Shabaab Maamulaan si dadkaasi dhibaateysan caawinaad u helaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ka go’an tahay in ay u gurmadaan dadka dhibaateysan ee ku sugan degaanada Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Degaanada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya uu ka taliyo ee gobolada Baay, Bakool iyo Shabellaha Hoose ayaa waxaa ka jira abaar saameyn badan ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana soconaya gurmadka la gaarsiinayo dadkaasi.

Halkan Ka Dhageyso