Baydhabo(INO)- Mudooyinkii ugu dambeeyay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa soo gaarayay dadyow aad u tira badan, kuwaasi oo siyaabooyin kala duwan u gaarayay Magaalada.
Dadka qaar ee gaarayay Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay ka hayaameen Abaaraha, halka kuwa kalena ay ka yimaadeen xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab, maadaama Dowladda Kenya ay xireyso xeryahaasi.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweeyay dib u dejinna u sameeyay dadka ka soo barakacay Abaarta iyo sidoo kale kuwa ka yimid xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya.