Dhageyso: Jubbaland oo diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jirta duulaan ka dhan ah Al-Shabaab

0
220

Bardhere(INO)— Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in la diyaariyay ciidamadii duulaanka ku qaadi lahaa deegaanada Al-Shabaab ka maamulaan Jubbooyinka.

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa sheegay in dhowaan ciidamada ay qaadi doonaan howl gallo ka dhan ah Al-Shabaab oo lagu xoreyn doono Jubadda Dhexe.

C/rashiid Janan ayaa sheegay in ciidamadii Al-Shabaab ka saari lahaa Jubbada Dhexe lagu diyaariyay degmooyinka Ceel Waaq iyo Beledxaawo oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay in diyaar garowga uu muddo soo socday, isla markaana wixii hada ka dambeeya ay duulaan ku yihiin deegaanada Shabaab.

Diyaarado hub u sida Ciidamada Itoobiya ayaa maalmihii la soo dhaafay ka degayay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana la sheegay in Ciidamada Itoobiya ay qeyb ka yihiin duulaanka la qorsheynayo in lagu qaadayo Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa si buuxda gacanta ugu heysa guud ahaan Gobolka Jubadda Dhexe, waxaana la sheegaa in deegaanada gobolkaas ay yihiin meelaha ay ku sugan yihiin saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.