Waxaa magaalada Kismayo soo gaaray wiil la dhashay allaha u naxariistee Wasiir Cabaas C/llaahi Siraaje, isla markaana u sharaxan inuu buuxiyo booskii walaalkiis uu ka geeriyooday.
Wiilkaan oo lagu magacaabo Maxauud C/llaahi Siraaje ayaa ah da’dii ka weyneyd marxuum Cabaas, isagoona tartan u geli doona kursiga xildhibaanimo ee uu ka dhintay walaalkiisa oo lagu dilay magaalada Muqdisho.
Dhalinyaro iyo dadweyne kale ayaa magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyay Maxamuud C/llaahi Siraaje oo ka yimid dalka Canada, halkaasoo uu wax ku baranayay.
wariye mohamed wadani warbaahinta idalenews