Muqdisho(INO) — Madaxa Hay’adda CRD, ahna Murashax ka mid ah murshaxiinta isku soo tagay xilka madaxnimo ee Somalia doorashada dhacaysa sannadkan, Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee Somalia ka jirta xilligaan.
Jabriil Cabdulle oo Wareysi siinayay Radio SBS ee Australia laatiisa Afka Soomaaliga ayaa xusay inay ahayd in afar sano kaddib ammaanka dalka oo dhan ay la wareegaan ciidamada Somalia, basle ay muuqato in sababta loo sameyn waayay ay tahay mas’uuliyad darro.
“Maanta haddaad fiiriso xarumaha ay hay’adaha Dowladda Federaalka ah ee Somalia ay ku Shaqeeyaan oo ay ka mid tahay Madaxtooyada oo ahayd Astaantii Qaranka, Waxaa ilaaliya Ciidanka AMISOM, taasna ma ahayn mid loo baahan yahay afar sano kaddib inay sii jirto,” ayuu Jabriil Cabdulle ku yiri wareysiga.
Haddaba; DHAGEYSO Wareysiga uu Jabriil Ibaahim C/lle siiyay Idaacadda SBS: