Dhageyso: Jeneraal Fartaag “Gaas Iyo Guuleed Maxkamad Baad Tihiin”

0
238

Kismaayo(INO)- Mamdaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubbaland Jeneraal C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in maxkamad la saari doono madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug, haddii aaney degdeg ku joojin dagaallada ka socda magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Fartaag oo kamid ah Aqalka sare ee dalka ayaa sheegay in  wax laga xumaado tahay in la dhameeyo shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana laga doonayo hoggaamiyeyeeshan in dagaallada joojiyaan.

Maalin ayuu sheegay in madaxdan ku cusub hoggaanka Puntland iyo Galmudug wax laga su’aali doono dhibaatada maanta ka jirta magaalada Gaalkacyo.

Dagaallo ayaa weli ka soconaya magaalada Gaalkacyo, waxaana dagaalladaasi ay geysteen khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, iyadoo saakay dagaalkii ugu xooganaa uu dib u qarxay.

Halkan Ka Dhageyso