Baydhabo(INO)- Qaar kamid ah jaaliyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Qaarada Yurub ayaa maanta baaq taageero ah u muujiyay maamulka cusub ee Jubba- Ganaane State iyaga oo ku tilmaamay maamulkaasi mid dadka deegaanku samaysteen isla markaana aayahooda ku dhisanayaan.
Afhayeenka Jaaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Dalka Yurub Chief Sagaarey ayaa dhaliilay habka awood qeybsiga Maamulka Jubba kaas oo ay ku dhaliileen in uu yahay mid an laga fiirsan awood qeybsigiisa beelo gaar ahana ay ku sad bursadeen.
Maamulka Jubba-Ganaane ayay ugu yeereen in uu ahaado mid ka taliya ayaaha dadka deegaanadaasi iyaga oo mar walba ka shaqeynaya jiritaanka qaranimada Soomaaliya, isla markaana u istaagaya raadinta xaquuqda dadka deegaankaasi.
Waxay kula taliyeen maamulka Jubba Ganaane State in uu ka fogaado dhaliil kaga timaada dadka deegaanka isla markaana ay si cadaalad ah loo wada lahaado maamulkaasi.
Dhanka kale waxaa ay si weyn u dhaliileen ugana oo horjeesteen in Soomaaliya wax loogu qeybiyo nidaamka Degmooyinka oo ah nidaam liidaya ama meesha ka saaraya jiritaanka dad Soomaali ah.
Maamulada jira ayay ugu yeereen in ay ka dheeraadaan taageerida nidaamka Xulista Degmooyinka iyaga oo ku tilmaamay qiyaano qaran cidii taageerta Nidaamka Degmooyinka..
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo