Dhageyso: In ka badan 110 Xildhibaan oo taageeray go’aankii Nicholas Kay, kana raalli geliyay Kay aflagaadii ay u geysteen xildhibaano laaluush qaatayaal ah.

0
198

In ka badan 110-Mudane oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay uga hadleen saddex qodob oo guud ahaan ku saabsan khilaafka madaxda sare ee Dowladda Federaalka, taageerada hadalkii beesha caalamka ee arrimaha khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo waliba sidii looga badbaadin lahaa Golaha Baarlamaanka faragelinta Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay laaluushka ku bixinayaan.

“Khilaafka ma aha wax weyn, wuxuuna ka dhashay isku shaandheynta Ra’iisal Wasaaraha oo Wasiiro la kala bedelay, mana aha arrintaasi mid xukuumadda oo dhan lagu ridayo” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Abtidoon oo ka mid ahaa Mudanayaasha kulanka ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada-Baarlamaanka

Xildhibaankaan oo u waramayay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in arrin weyn oo la isku khilaafo aanay meesha oolin, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu jiro warka beesha caalamka ee sheegaya in xildhibaano lagu laaluushayo si ay u diyaariyaan mooshin lagu ridayo Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh, taasi oo uu tilmaamay inay si weyn uga socoto xarunta Golaha Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Abtidoon in mooshinkaasi aanu ka imaanin Golaha Baarlamaanka dhexdiisa, balse laga abaabulayo madaxtooyada, sidaas darteedna guddoonka Golaha Baarlamaanka ay kala hadlayaan in mooshinkaasi aan la keenin Golaha, wuxuuna beesha caalamka ka raalli geliyay aflagaado ay u geysteen xildhibaano laaluush qaatayaal ah oo aan wax dan ah ka lahayn masiirka dadka iyo dalka.

“Beesha caalamka lug ayay ku leedahay arrimaha Soomaaliya, waxay ka taageeraan dhinacyada ammaanka, horumarka, nabadgelyada iyo taageerada bani’aadaminimo, kana haboona in la dacaayadeeyo” ayuu yiri Xildhibaan Abtidoon oo sheegay in mushkiladda taagani ay tahay oo kaliya kala bedelka wasiirada.

Hadalka Xildhibaankaan ayaa ku soo beegmaya xilli maanta iyana magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay ay cambaareyn ugu jeediyeen ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay oo ay ku tilmaameen inuu faragelin ku hayo arrimaha Soomaaliya, iyagoona dalbaday in dalka uu uga baxo 24-saac gudahood ah.