Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa kuxiran Xabsiyo ku yaalla Dalka Masar kuwaasi oo dhibaatooyin ku heystaan gudaha Xabsiyada ay ku jiraan.
Gudoomiyaha Jaalliyada Soomaalida ee Dalka Masar C/raxmaan Samoow ayaa sheegay inay iyagu ka jaalliyad ahaan dadaaleen laakiin Xukuumada oo looga fadhiyey waxqabad aysan ka helin.
Waxa uu Samoow si gaar ah ku Eedeeyey Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka gaabiyey buu yiri inuu soo deynta Muwaadiniintaasi ka qeyb qaato.
Dadka ku xiran Xabsiyada ku yaalla Masar waxa ku jira Hooyooyin Uur leh iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo la qabtay kuwaasi oo dhibaatooyin nololeed ay heystaan.
Halkan Ka Dhageyso.