Dhageyso: Hawlgalo Adag Oo Ka Socoda Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool

0
275

Xudur(INO)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa 24-kii saac ee u dambeeyay howllgal ka sameeyay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, kadib markii labo Haween ah lagu dilay Degmada, dilkaasi oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen Xarakada Al Shabaab.

xudur

Gudoomiye kuxigeenka Degmada Xudur, Mustaf Aadan ayaa sheegay in baaritaankaan looga gol-leeyahay inay kusoo qabtaan Kooxihii ka dambeeyay dilka Haweenka, waxa uu sheegay in howllgalka laga sameeyay dhamaan Tuulooyinka hoostaga Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, hase ahaatee Gudoomiyaha ma uusan sheegin inay Dad kusoo qabteen baaritaanka.

“Al Shabaab habeenkii ayey u dhacaan Dadka oo ay fuliyaan dilal, si aan taasi oga hortagno waa in aan sameynaa howllgal aan ku xaqiijineyno Ammaanka, Al Shabaab waxa ay mar waliba dhibaateeyaan Dadka Shacabka ah, waxaana Dadka ka codsanayaa inay nagu caawiyaan Nabadgalyada” ayuu yiri Gudoomiye kuxigeenka Xudur.

Gobolka Bakool ayaa go’doon ku jira muddo ka badan 1 sano, waxii ka dambeeyay markii ay la wareegtay Dowladda, waxaana taasi barbar socda dilal loo geysto Haweenka, dilalkaasi oo Dowladda ay ku eedeysay inay ka dambeeyaan Al Shabaab.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xudur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here