Hargeysa(INO)- Maamulka Somaliland ayaa sheegay in dhawaan Magaalada Hargeysa lagu qaban doono shir heer Caalami ah oo looga hadlaayo maalgashiga degaanada maamulka Somaliland.
Somaliland ayaa sheegtay in shirkaasi ay ka qeyb gali doono bulsho ka socota qaar ka mid ah dowladaha Caalamka.
Cumar Shuceyb Maxamuud Wasiirka Ganacsiga maamulka Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhawaan shirkaasi uu ka dhaci doono Magaalada Hargeysa.
Sida uu sheegay wasiir Cumar shirkaan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee looga hadlaayo Maalgashiga maamulka Somaliland oo lagu qabto Hargeysa.