Dhageyso: Halyeey qaran oo qoyskiisii la ciilay

0
212

Muqdisho(INO)- Dowladda Dhexe Somaliya, ayaa si khalafsan ula dhaqantay qoyska Allaha u naxariistee Abaan Duulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan), oo 1-dii bishii November ee sanadkii hore lagu dilay weerarkii, ay Ururka Al Shabaab ku qaadeen Hotel Saxafi ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.

Tan iyo markii la xaqiijiyay geerida naxdinta badan ee ku timid halyeeygaas ka baxay Militariga Somaliya, ayaa waxaan jirin wax tacsi ah oo Dowladda Somaliya la wadaagtay qoyskiisii, iskaba daayee samir-siin ay siiso.

Safiirkii hore Somaliya ee dalka Senegal, Danjire Maxamed Xuseen Abuukar (Awliyo), ayaa si kulul waxaa uu Villa Somalia ugu eedeeyay in ay dayacday qoyskii uu ka baxay halyeeygaasi Somaliyeed.

Muxudiin Macalin Xasan oo ka mid ah ehelada General C/kariin Yuusuf Aadan, ayaa sidoo kale Madaxtooyada Somaliya ku dhaliilay inay ciil badani baday qoyskaasi.

Muxudiin Macalin, ayaa ku waramaya in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayba quursatay meydka marxuumka, iyadoo aan u samayn buu yiri aas qaran.

 General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde), ayaa daba-yaaqadii bishii September Madaxtooyada ku eedeeyay inay dayacday Allaha u naxariistee General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) iyo General C/kariin Yuusuf Aadan. General Goobaale ayaa ku geeriyooday weerar ismiidaamin ah, oo 18-kii bishii September ka dhacay nawaaxiga Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho.

General Indhacadde, ayaa xilligaa sheegay in Saraakiishaasi ay hormuud u ahaayeen dagaalka argagixisada looga xoreeyay goobo badan, oo ay ku ukumo dhalleen.

General Dhega-badan iyo General Goobaale, ayaa xilligii la magacaabaayay waxay Shabaabku ku hareereysnaayeen Degmooyinka Villa Somalia ku teedsan, waxaana la wada ogyahay in dhul baaxad lihi ka fara-maroojiyeen.

Marka aad milicsato hogaaminta khalafsan ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xertiisa, ayaa waxaa kuu muuqanayso inaanay uba bisleen hannaanka dowladnimo.

Hogaan xumida dowladda hadda jirta, ayaa waxaa kaaga baxaya inaysan lahayn awood ay ku soo afjari karto Shabaab, Saraakiishii ka hortaggi laheydna inta ay xilalkii ka xayuubisay ku sii deysay magaalooyinka dalka.