Dhageyso: Gudoonka Baarlamaanka KGS Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ustaad Cadow Hilowle

0
186

Baydhabo(INO)- Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Ku simaha Madaxweynaha KGS Ahna wasiirka Beeraaha iyo Waraabka Maxamd Xasan Fiqi ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Ustaad Maxamed Cadow Hilowle oo Kooxo Hubeysan Ku dhisay Baydhabo iyo Sidoo kale Gudoomiyaha Beeraleyda Mooska Dhoofisa Ee Gobolka Shabellaha Hoose kaasoo Qarax lagu diley  Gudaha Degmada Afgooye.

Sheekhuna

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku simaha Madaxweynaha KGS  ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN,   anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Guddoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Gollaha Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Allaha u naxariistee walaalaheena Maxamed Cadow Hillowle iyo Sheekh Abuukar Hiraabe,si gaar ah waxaan ugu tacsiyadeeynayaa carruurtooda,qoyskooda “.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha Shacabka KG Soomaaliya  C/qadir Shariif Sheekhuna may iyo Ku simaha madaxweynaha KGS Maxamed Xasan Fiqi ayaa Alle uga baryeen in  marxuumiinta  inuu naxariistiisa jano siiyo,carruurtooda qoyskooda iyo Eheladooda.

Halkan Ka Daawo

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here